(Nairobi) – Xukuumada Soomaliya waa in ay si dhaqsa ah u sii deyso ama ay dacwo ugu soo oogto Daa’uud Cabdi Daa’uud, oo ah weriye xabsiga ku jiray tan iyo 5-tii Febraayo 2013-ka, sidaasi waxa manta sheegtay hay’adda u dooda xuquuuqda aadanaha ee Human Right Watch. 11-kii Febraayo waxa weriyaha laga soo wareejiyey xabsiga booliska waxaana la geeyey xabsiga dhexe ee Muqdisho. Daa’uud Cabdi, oo ka howgala idaacada Kulmiye Radio, waxa uu sidoo kale yahay xoghayaha guud ee ururka Somali Media for Environment, Science and Agriculture.
Ilo lagu kansoonyahay ayaa waxay sheegeen in ka dib markii la xukumay Febraayo 5-dii weriyihii kale ee Cabdicasiis iyo haweeneydii sheegatay in ay kufsadeen xooggaga ammaanka,in Daa’uud Cabdi uu ka hadlay maxkamada horteeda, isagoo sheegay in weriyayaasha ay xaq u leeyihiin in dadku waraystaan. Ka dib, sida la sheegay markii uu hadalkiisa raaciyey in xitaa uu isku dayi doono in uu waraysto afada madaxweynaha, ayaa waxa xiray booliska. 6-dii Febraayo, xeer ilaaliyaha guud ayaa amray in Daa’uud ku sii xirnaado waaxda baaritaanada ee xabsiga dhexe ee Muqdisho.
“In xabsiga lagu sii hayo Daa’uud Cabdi isaga oon aan wax dacwo ah lagu soo oogin waxay u diraysaa fariin xooggan weriyayaasha oo ah in ay afkooda qabsadaan” sidaasi waxa sheegtay Leslie Lefkow, oo ah kaaliyaha agaasimaha Afrika ee hay’ada Human Right Watch. “ Waa in maamulku dacwo ku soo oogo ama uu sii daayo , balse ma aha in ay joojiyo xoriyatul qowlka oo ay xiraan weriyayaasha furahana tuuraan”
Cabdicasiis Cabdinur, weriyihii la xukumay isaga iyo dhibanihii kufsiga ee lagu eedeeyey in ay aflagadeyeen dowladda, waxa lagu xukumay hal sanno oo xerig ah, iyadoo dacwadaas ay ahayd mid la siyaasadeeyey si aad ahna wax uga khaldanaayeen. Human Right Watch waxay ugu baaqday maamulku in uu meesha ka saaro xukunka lagu fuliyey Cabdicasiis iyo haweeneyda iyo in si dhaqsa ah uu u sii daayo Cabdicasiis. Xabsiga haweeneyda ayaa waxa dib loo dhigay muddo hal sanno ah ilaa ay ka kaamil yeelayso naas nuujinta cunugeeda.